HOME
Quraanka
Cibaadada & Arkaanta
Alle ka cabsashadiisu waa Furaha Nolosha wanaagsan ee Aduun iyo Aakhiroba
  
Soomaaliya Badbaadinteedu waa waajibaad muqaddas ah oo saaran Soomaali kasta!

All Qur'aan, 17:16
Allaah Sareeye, wuxuu Aayadan Kariimada ah inoogu sheegayaa:

"Markay Qaryo mutaysato in la halaago waxaan madax uga dhignaa kuwooda sharka badan (raaxada iyo tarafka ku nool) Kadibna way Fasahaadiyaan, markaas baa xaqqu ku dhacaa korkooda!(Cadaabka) kadibna aannu baabi'inaa"

Sidaa awgeed soow waajib inaguma aha inaan nafteena hagaajino diinta Allena ku dhaqano si aan Allaah inoogu salidin Dagaal oogayaasha iyo Madax Mujrimin ah.





  • Waayahan murgay waxaa ugu wareer badan:
      Wadaad Warlord warka qaata!
        Waayeel Wiilasha u urursha!
          Kii waxbartay oo waraaqaha u sida!











    Khamiis 14kii Octobar 2004From Cabdulqasim Salat to the New Precident!
    Madaxwaynaha Soomaaliya
    Abdullaahi Yusuf Axmed.



    AKHRI TARBIYADA DHALAANKA!


    Akhri:
    Shacbaan waa Saxansaxadii Ramadaan!
    Ramadaan Rabbiyoow na gaarsii!
    Dardaaranka Savesomalia
    Muslinnimadu waa Akhlaaq iyo Mucaamilo wanaagsan!
    Sayid Muxamed Bin Cabdulle Xassan!
    Muxuu Cadawgiisu ka qoray?

    Dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia
    1977 illaa 1978









    ÅöáÇøó ÊóäÕõÑõæåõ ÝóÞóÏú äóÕóÑóåõ Çááøåõ ÅöÐú ÃóÎúÑóÌóåõ ÇáøóÐöíäó ßóÝóÑõæÇú ËóÇäöíó ÇËúäóíúäö ÅöÐú åõãóÇ Ýöí ÇáúÛóÇÑö ÅöÐú íóÞõæáõ áöÕóÇÍöÈöåö áÇó ÊóÍúÒóäú Åöäøó Çááøåó ãóÚóäóÇ
    ÝóÃóäÒóáó Çááøåõ ÓóßöíäóÊóåõ Úóáóíúåö æóÃóíøóÏóåõ ÈöÌõäõæÏò áøóãú ÊóÑóæúåóÇ æóÌóÚóáó ßóáöãóÉó ÇáøóÐöíäó ßóÝóÑõæÇú ÇáÓøõÝúáóì æóßóáöãóÉõ Çááøåö åöíó ÇáúÚõáúíóÇ æóÇááøåõ ÚóÒöíÒñ Íóßöíãñ

    Murugada iska ilaali, Xuzniga ka fogoow, Welwelka iska ha u dhowaan, sababta oo ah waqti uma haysid ka feker mustaqbalka
    Walaalahayga Muslimka ahoow wuxuu Alle weyne inoo diray inaan waqtigaaga uga faa'iidaysato Ducaysi iyo inaad isaga baryayso (Maya Qayrkiis inaad barido)inaad isaga Xusto oo aad carabkaaga ku haysid magacyada Alle, inaad Qur'aanka akhrisid oo Xafidid iyo inaad waxbarato oo aad Aakhiradaada iyo Aduunkaagaba ka fekertid sidaa awgeed waqti uma haysid inaad inta aad qol soo xirato Xuzni iyo murugo dhex muquurtid

    Waxaa la xaqiijiyey inuu qof caqli badnaan jirey ay welwel iyo murugo maankii ka qaaday, waxaa hubaal ah in hammigu yahay Albaad aad u furtay Shaydaan si kuugu ciyaaro oo hadba dhinac kuu laado

    Maxaad walaal u welweli berri weliba maad qaarin e maxaad u murugoon shalay tagtay mana aad soo celin kartid e maxaadse u qaylin qalinkii waa qalalay qadartuna jidkeeda ka leexan mayso oo way fuli
    Xabiibi dadaal oo Alle kaasho isaga talo saaro wixii uu kuu qorayna ku qanac!


    Walaal wadaadadii xagee geeyeen Wayne warkiisii [Al Qur'aan], iyo Wacdigii iyo Waciidkii, soow naxdin ma aha in wadaadadii reerohoodii kala raacaan iyagoo leh qabiil igama aha e wallee reer habel baa dunida kharibay?

    Waayeelkiise xagee uga soo tageen Waanadii, Taladii iyo Nabad doonimadii, miyaanay igaga ahayn kuwa aan dagaal la'aantood dhicin iyo inay wiilashooda soo tubaan, la'aantoodna damin oo iyagaa dagaal kasta oo lagu hoobto soo afjara?

    Aqoon yahankii Soomaaliyeed iyo kii waxbartayna ma waxay doorteen inay khayaamooyinka iyo Sirta Dagaal oogayaasha diiwaanada geliyaan, Aaway kaalintii lagu yaqaanay Aqoonta iyo saqaafada mise soomaaali Mutacalinba malaha?

    Wallaahi inaan Dagaal ooge waxba inoo gaarsiiyeen dhibna ummadan ma badeen waxaase dhacay arimaha aan tilmaanay oo reer walbi waxay hoos hogteen iyagoon u kala harin Dhiig yacabkoodii!
    Goormaan garaadsan doonaa goormaanse ka hari doonaa dhawr qof oo dantoodu ku jirto inay dagaal ku dhex jiraan oo raba inay qabyaalada qurunkeeda ama qiiqa baaruuda iyo xabada isku qariyaan.

      Danyartii meeday?
        Da'yartii Aaway?
          Dumarkii xagee lagu ogyahay?


    Hooyooyinkii shaahay karshaan
    oo biilka ka soo saaraan
    Aabayaashiina shaxday ciyaaraan
    iyagoo ka dul sheekaynaya!

    Walaalayaal xaaladeenii sidaas bay noqotay e xagee wax ka bilawnaa?
    Waa hawl weyn oo sugaysa Soomaali kasta oo damiir leh ama dareen ku jiro oo dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaaya.









    Savesomalia means Save the Kids!
    Soomaaliyeey!
    Jahli baa sidan inoo galaye
    Waxbarta!
    Diinta barta oo Maadada barta!



  • Waxaan wada ognahay inaan ku sugan nahay laba Alif! dhexdood, waa Arab iyo Afrikaan waxaan la wadaagnaa ama ina saamaynaya daruufaha ka jira deegaankaas.
    Waxaa la isku raacay inay yihiin dunida meelaha ugu dhibaato iyo darxumo badan ha noqoto dhinac siyaasadeed ama dhinaan dhaqaale.
    Marka waxa jira arimo fara badan oo keenay ama sabab u ah inay gaaraan xaaladaas loona baahan yahay in wax laga qabto haddii la rabo in darxumadaas laga baxo.

    Qodobada dib u dhaca:
    • Dawladaha Vs Dadkooda*1
    • Digtatornimo ama Kelitalsinimo
    • Fasahaad faafayoo faqri lagu gaarey
    • Aqoon la'aan Dadkii ku wada baahday
    • Diiwaanadii Dunida Cilmigeeda oo la duugo
    • Deganaan la'aan dhinac walba saamaysay
    • Dadka oo Xoriyad la'aan ah
    • Duqay iyo dhalaanba waa Xuquuq la'aan*2
    • Diinta iyo ehelkeeda oo lala diriro
    • Dibnaha ha kala qaadin Doqonimo kastoo aad aragto
    • Da'yartoo dalkooda neceb:
      • Dawladohoodaa heerkaa gaarsiiyey qaybna
      • Dibed jecayl dartiisaa ugu wacan
    • Dagaalo aan damayn
    • Maalgeliyayaashii oo hantidooda u baqaya
    • Khayraadka oo shisheeye gurto
    • Deeq la soo baryo Dhulkii oo dihin
    • Dadkoo ka qatan Khayraadka Dalalkooda
    • Danyarta oo daryeel la'aan ah*3
    • Dulmiga oo deegaanada wada camimay
    • Madaxdooda oo aan isbedel ogolayn*4
    • Doonis iyo iraado la'aanta shacabka
    • iyo Akhristoow qodobo badan ood adigu ogtahay!

    Arimahaas aan tilmaanay waa dhibaatooyin aan khasaare ma ahee aan wax nafci ahi ku jirin waa manhaj liita oo ay ku dhaqmeen iyo dariiq ay qaateen dawladaha labada Alif badankoodu khaas ahaan kuwa ku abtirsada Diinta Islaamka waana arin ay Allaah iyo Diinkiisu bari ka yihiin.
    Wuxuuna Allaah Rasuulkiisa iyo mu'miniinta ku amaanay inay yihiin kuwo talo wadaag ah markii uu Allaah Quraankisa ku yiri:

    oo macneheedu yahay
    "Kuwa Allaah ajiibay Salaadana oogay Taladooduna waxay dhexdooda ku ahaatay mid u dhexaysaa oo way ka Shawraan wixii aan ku irzaaqnayna wax bay ka bixiyaan"

    Walaal halkaa waxaa ku haray wixii keligii talisnimo ahaa mar haddii
    Nebigii suubanaaAllaah uu hagaayey oo la hadlaayey la amray inuu saxaabada la tashado xagee wixii kasoo haray amase innagu joognaa.
      *1Dawladaha iyo Dadkoodu waxay isu yihiin col iyo cadow waxaadna arkaysaa in Cadawga koowaad oo dawladahaasi ay leedyihiin inuu yahay dadkooda marka qof iska kaa ilaalinaaya sidee ku dhici kartaa inuu ku ilaaliyo ama uu uga fekero dantaada iyo horumarkaaga!
      *2Waxaa is xasuusin mudan in dalalka maanta loogu yeero Dawladaha hore u maray una badan reer yurub in ay ka jiraan hay'ado u dooda xuquuqda xayawaanka ee dadlalkooda inkastoo aanay dan u gelin tan banii'aadamka ee dalalka kele.
    Nasiib daro dalalka labada Alif ee aan tilmaanay oo aynu ka mid nahay xaquuq xayawaan daayoo lagama hadli karo xaquuqda dadku leeyahay weliba waxay u badan yihiin dalalkaasi muslimiin aawayse islanimadii iyo xaquuqdii Allaah Dad iyo Duunyo intaba uu diinkiisa ugu qeexay!
    Soomaaliya iyadoo awelba qabtey dhibaatooyinkeeda u gaarka ah baa waxaa iyana ugu darsamay dhibaatooyinkaas aan tilmaanay ee aa la wadaagno Afrikaanka iyo Arabta, wax walba ama dhibaato kasta oo la damco in laga baxana waa sahal oo waa laga gudbi karaa waa haddii cudurka meeshii uu ka yimi la daweeyo ama booqta si fiican loo dhayo.
      *3 Waxa ay Diinta Islaamku inagu boorisay Sadaqada iyo in laga war hayo danyarta, Agoonta iyo Musaafurka bal in wax la taro daayoo waxaa laga dafaa xoogaaga ay dayaca kula soo baxaan!
      Waxay maanta ogaadeen dhaqaale yahanadu in maalka ribixiisa ay qayb ka qaadato in Sadaqo ama Charity la bixiyo, Ninka Aduunka ugu qanisan wuxuu leeyahay Mashruuc la yiraahdo GateFoundation oo uu ugu talo galay in Ardayda deeq waxbarasho laga siiyo iyo ciddii kaalmo mutaysatay.

      *4 Madaxda iyo madax weynayaashu waa qaar aad u naxariis daran kama fekeraan horumarka dalkooda iyo dadkooda kamana fekeraan in dalkoodu noqdo mid dunidu amaanto isbedeladiisa wax soosaar ama dhaqaale.
      Waxayse ku dadaalaan in iyaga la maano amaan been ah iyo inay ugu roonaadaan dadkooda xasuuqa iyo xaqirida, xoolaha dadka waa la dhacaa iyadoo loogu yeerayo qaramayn, waxaa askar laga dhigaa dad miyiga iyo baadiyaha laga soo uruuriyey oo aad wax u cadaaba cidna aan u nixin, markuu xooogaa ilbaxona waxaa laga bedelaa booska.

    Maxaase lagu gaarey waa in ay iyagii (Madax sheegadkii) noqdaan kuwo xaqiran oo aan wax qiime ah ku lahayn fagaarayaasha Aduunka, waayo markaad dadkaaga sharaftid baad sharaf yeelataa.
    Waxaa aad u layaab badan in ay aad isugu dayaan sidii ay isugu ekaysiin lahaayeen dalalka dhinaca dhaqaalaha hore uga maray marka laga eego dhinaca akhlaaqiyaadka Lebiska socodka iwm waxaase su'aal ah maxay isugu taxalujin waayeen inay kasoo qaataan dhinaca maamulka midnimada madaxbanaanida shacabka iyo soo minguurinta ikhtiraaca ama horumarka!
    Waxaa loo baahan yahay in dadku is bedelaan oo qaabka ay wax u dooranayaan iyo in ina adeerkaa keliya aad daba taagan tahay waa in laga gudbaa waa in la helaa dad iyo madax taladu u dhexayso is jecel isku dan iyo isku yoolba ah Islaanimo iyo Soomaalinimo wax ku qaybsada.
    Waa in qof walba qabtaa wixii ku aadan ama uu awoodo, waa in aad ogaataa in jiritaanka walaalkaaga Soomaaliga ah oo aad wanaajisid ay noloshaadu ku jirto, Aduunyadanna waxaad ku leedahay wixii aad ku soo biiriso ama aad adigu jidayso.
    Haddii aad wanaag dadka ula timaadid ama kula dhaqanto waxaad dunida ka heli doontaa wanaag, haddii aad Xumaan Cay Dil Dhac iwm beeratona qofba wixii uu beertay keliya buu goosan doonaa.

    Soomaaliya Soomaali baa meesha dhigtay Soomaali uun baana ka qaadi karta!
    Waxaa nasiib xumo ah dad aan taariikhdooda aqoon waxa loola dagaalamayo waxa looga baqayo waxa la isugu dirayo "Lafo Geel iyagaa la isku jebshaa"
    Wax kale iska daayoo ma naqaan tirada dadkeena iyo masaafada dhulkeena!
    Dad badan baa waxay Soomaaliya u haystaan weliba kuwooda aqoonta leh in Soomaaliya tahay Majintii Digaaga (suurada mapka 2dii midowdey) ay maantana is hays haysta ama is dagaalaya rabana inay kala googo'aan.











  •  








Savesomalia means Save the Kids!
Waxaa hubaal ah inaysan jirin waqti la dhihi karo waa faraaqo:

Haddii aadan waqtigaaga wanaag kaga faa'iidaysan miyaysan sheeko ama feker ama cidla fadhi kaa cunin waqtigaagii Dahabka ahaa!

Walaalkayoow ku dhumi waqtigaaga wixii Aduun iyo Aakhiro ku nafacaya.


Waa Dabqaadkii udgoonaa & Quracii harka qaboobaa!
Ummaduhu waxay ka fekeraan intooda ay Maxkaxdu u bed qabto sidii ay ugu noolaan lahaayeen meel dad doog iyo duunyoba laga helo.
Laakiin Soomaali waxay door mooday in dadka iyo daarahooda oo la cirib tiro, dekedaha oo dab la qabadsiiyo diyaaradaha oo inay degaan loo diido, taasi waxay wada saamaysay dalkeenii iyo dadkeenii!
Goormaan diinteena u soo noqon iyo darajooyinka uu Allaah inala rabo, goormaanse duligan ina saaran ka diraynaa?












AKHRI!
btjxkhdr Akhri! Akhri!
IQRA'Bismi Rabbika alladii khalaq










  • Savesomalia means Save the Kids!
    Diintaada Duni ha ku iibsan haddii aad ku iibsato waxaad arki doontaa adiga oo aan labadiiba faro ku hayn!
    Haddiise Diintaada aad ku dadaasho waxaad arki Dunidii oo ku daba ruclaynaysa!



  • Xiriir and Contact
    abumariama@hotmail.com




    Samiicoow Soomaaliya Samatobixi!
    savesomalia 2001 - 2004 ©Copyright