HOME
Quraanka
Cibaadada & Arkaanta
Alle ka cabsashadiisu waa Furaha Nolosha wanaagsan ee Aduun iyo Aakhiroba
  
Camalfal oo Alle caabud Geeri horteed!

  • Draac Ape

    5TA TIIR ISLAAMKU WAA:

    Shahaadada oo la qiro iyo
    Salaada oo la oogiyo
    Soonka inaynu gudaniyo
    Sekadoo aan bixiniyo
    Haddaad xoololeedahay
    Xajka waa inaynu gudannaa!

    Draac Ape



    Arimo Salaada ku Saabsan



    1.. Salaada markaad tukanaysid ha u sujuudin sidii Tuke wax cunaya ama wax cabaya, sababtoo ah tukuhu aad buu ula dhaqsadaa foororkiisa iyadoo shinbiruhu sidaa u badan yihiin laakiin Tukuhu waa kasii xag jiraa oo waxaa la yiraahdaa aad buu u feejigan (digtoonaan badan)yahay mar walba, marka qofka Muslimka ahi waa inuusan la deg degin Sujuudiisa sida manta ay dadku u badan yihiin oo aad mar marka qaar moodaysid in Sujuudu dhibayso.

    2.. Waana inaynaan Shaabihin Dawacada oo hadba gees u jeensata nolosheeda oo dhan.

    3.. Waana inaynaan Awrta Shaabihin oo Misaajidda Hal meel kaga tukan Misaajidka mar walba waayo taa nebigeenii suubanaa nabad gelyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee waa reebay Awrtuna marka ay soo hooydaan Habeenkii haddii aan neef kale ka hor Fariisan meeshiisii wuxuu Fariistaa weligiis hal meel.

    4.. Waana inaynaan Sida habar dugaaga ama miciyooleyda (subuca)waa xayawaanka uu Eeyga Libaaxa Shabeelka ay ka mid yihiin sidooda yeelin oo aynaan dhudhunkeena dhulka wada dhigin ee aan sacabada kelliya dhulka dhigno waa xaalada la Sujuudsan yahay e.
    Walaalka Muslimka ahoow Allaah ka baq oo arimahaas diintu reebtay iska ilaali XAYAWAANKANA yaynaan isu ekaysiin mar walba gaar ahaan Xaalada aan Cibaadaysanayno ama Tukanayno iyo mar walba oo nolosheena ka mid ah.
    Waxaa wax lala yaabo ah in dadkii badankisii xayawankii isu ekaysiiyeen ama ayba samaynayaan waxyaabo xayawaanku aanu samayn!
    Allaah Sareeye wuxuu quraanka inoogu sheegay ina ay yihiin Gaalada kuwa Xyawaanka la midka ah ama kaba sii liita walaal bal ila Akhri aayadan:



    Waxaan Allaah weydiisan inaynaan la mid noqon dadka Allaah sifadaas u yeelay oo maanta Aduunka aan ku nool nahay aad ugu badan bal dadkii lmuslimiinta ahaa ee la rabey inay gacanta qabtaan oo nuutrka iyo Islaamka usoo saaraan baa iyagii daba rooray oo waxaa aad indheheena ku weynaadey Gaaladii.
  • Arimo Soonka ku Saabsan



    Walaalayaal waxaa Allaah abuuray Sadex qaybood oo Makhluuqa ka mid ah:

    1.. Malaa'ig waa magefayaal Allaana sidaas u abuuray iyo inay Allaah mar walba meel walba saacad walba caabudaan una shaqeeyeen ama ay Askar u yihiin.

    2.. Dadka iyo Jinniga oo loo ikhyaar geliyey sida ay rabaan inay nogdaan (inay Alle Caabudaan iyo inay Caasiyaan)

    3.. Xayawaanka ama Bahaa'inka oo Allaah u abuuray inaan manaafacaadsano oo aan la kalifin caqlina loo yeelin.

    Haddaba waxaa haddaynu nahay Insi ama Jinniguba Allaah awood u siiyey inaan ama malaa'igta isu ekaysiino oo Allaah Caabudno heer ay Banii'aadamkua qaarkiis malaa'igta dhinaca darajada dhaafi karaan sida Allaah uu khayru khalqillaahi ka dhigay Nebiyaasha iyo Nebi muxamed dhamaantood nabad gelyo Alle korkooda ha yeelee.

    Haddii aynu doonona wuxuu Dadku is dhigi karaa meel liidata ama meel kasii hoosaysa Xayawaanka aan caqliga lahayn sida Gaalada oo Allaah ku sifeeyey Xayawaanka inay ka liitaan.

    Waxaynu ka hadlaynay Soonka e qofkii Cuntada yaraysta Soonkana badiya wuxuu shabihi doonaa Malaa'igta saa wax ma cunaan e! haddii aadse iska cuntid wixii aad heshidba waxaad u ekaan sida Xayawaanka aan cunto maahee wax kale aqoon.

    Sidaa awgeed walaalka Muslimka ahoow iska ilali ind xayawaanka u ekaato isuna ekaysii Malaa'igta soonkana badso inshaa'Allaah Darajo sare buu Allaah ku siin waxaana kuu fududaan doona Cibaadada sida Quraan akhriska, Salaatu Leylka iyo dhamaan Acmaasha saalixa ah oo dhan oo cuntadu waxay keenta caajis fara badan ee iska jir.
  • Arimo Hajka ku Saabsan


    Xajka oo ah rukni ka mid ah 5ta tiir ee Islaamka kuna xiran awooda qofka muslimka ahi uu u leeyehay inuu u safro kulanka sanadlaha ah ee ay Muslimiintu iyagoo Allaah baryaaya isugu yimaadaan Makka Muna ama Carafa oo ah goobaha ay ka dhacaan cibaadooyinka kala duwan ee Muusimka Xajku.
    Arimaha ugu waaweyn ee laga faa'iidaysto Xajka waxaa ka mid ah in ay ka muuqato sida ummada Islaamku ay uga kooban tahay dhamaan dadyawga Aduunka Caddaan iyo Madoow, Carab iyo Cajab iyo sida Allaah hortiisa looga siman yahay ee Cabsida Allaah iyo Camalkoodu dadka kala saaro.
    Waxay dhamaan wataan maryaha cad cad (labada go') ama uniformka lagu yaqaan xajka waxaana siman oo isku muqaal ah taajirkoodii iyo faqiirkoodii waan la wada basaasan yahay oo looma ogola is qurxin iyo in barafuun la marsado.
    Nincooyinka waaweyn waxaa ka mid in 2 illaa 3 milyan oo qof ay hal mar khudbada carafa wada dhegaystaan, nebigii suubanaa wuxuu yiri "AL XAJJU CARRAFA" oo macneheedu yahay qofkii aan carrafo istaagin maalinta sagaalaaad ee bisha Dul-Xijjah inaan xajkiisii dhamays tirnayn.
    Walaal waa tan khudbadii xajkii lasoo dhaafay ama ugu danbeeyey iyadoo ku qoran luuqada ingiriiska:


    ARAFAT, February 10 (IslamOnline & News Agencies)
    In his speech on mount Arafat on Monday, February 10, the Saudi Mufti, Sheikh Abdul Aziz Bin Abdullah called on the Muslim nation to come together and unite because its enemies consider it a target with respect to its economy and to its religion.

    He added that the enemies are striving to control the markets of the Islamic Nation and to control it through breeding animosity with one country after the other.

    These statements comes after the United States has deployed its troops in the Gulf region in preparation for a strike against Iraq, who it claims owns weapons of mass destruction. Saudi Arabia does not agree to a strike against Iraq and opts for a peaceful solution to the crisis.

    In his speech, widely televised on Satellite channels around the world, the Sheikh said: "The Muslim Nation is being targeted for its economy, values and unity. The enemies are trying to keep it away from its religion."

    "The enemies have accused the Muslim Nation of calling for 'terrorism' and the education curriculums have also been criticized.

    They are also trying to control the economy which is the lifeline of the nation and to manipulate its wealth and resources while opening up its markets to promote their products," he said.

    The sheikh added that the struggle in the modern world is one of religion and economy as the forces of evil aim to gain their own benefits by taking over the resources of the Muslim world.

    He added that the economy of the Muslim world must not be consumerist. "The economy of the Muslim nation must liberate itself to be productive and useful," he said.

    "The enemies want the nation to disintegrate to take over it one country after the other. We need to unite our stance as this is the only way to preserve its entity," he said, calling on the decision makers of the nation to stick to justice.

    He spoke to the Muslim youth and told them to hold on tight to their religion and to learn from its original sources, the Quran and the Sunna (prophetic tradition) of Prophet Mohammad (peace and blessings of Allah be upon him).

    The Sheikh also called on the Muslim media to stand against the anti-Islamic propaganda being broadcast in the western media.

    "Media people, you have seen how your enemies use the visual, audio and print media to fight against your religion, its values and how they are waging a war against the Muslim nation through the media and the satellite channels which broadcast atheism.

    Your responsibility is to reveal what they are doing and to answer back," he said.

    He also stressed that the Muslim nation needs the Muslim scholars to reveal the lies of the enemies and to enlighten the nation about the tricks of its enemies.

    He called on the pilgrims to carryout the Hajj rituals peacefully and to be kind to the elderly and children.


    QUDDUSNA HA ILAAWIN!